Barcelona Oo Markale Niyadda Ka Dili Doonta Jamaahiirta Loverpool,Sidee?

Markale ayey xanuun ku noqon doontaa jamaahiirta magaalada Liverpool,Sida ay dabacday maanta Mirror Football ,kooxda Barcelona diyaar u ah iney lasoo saxiixato kubad sameeyaha Liverpool iyo qaranka Brazil Philippe Coutinho.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ayaa dareemeysa dhibaato baahsan oo dhanka khadka dhexe ah taasoo ku riixeysa iney lasoo saxiixdan Coutinho oo dhawr jeer horay loola xiriiriyay. Ciyaartoydii hore qaranka Brazil ayaa badi doonaya in xidigaan uu yimaado Camp Nou si uu u muujiyo inuu yahay xirfadlaha khadka dhexe kan ugu fiican waqtigaan la joogo qaaradda yurub.

Sikasta Barcelona waxey u aragtaa Coutinho inuu yahay badalka Andreas Iniesta kaas oo ugu yaraan 2018 ka tagi kara Barca hadii aan waqti loogu darin heshiiskiisa. Barca ayaana in badan lala xiriiri naayay xidigaan heerka caalami.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close