Barcelona Oo Shaacisay Xilliga Uu Soo Laaban Karo Aleix Vidal

Kooxda kubadda cagata ee Barcelona ayaa xaqiijisay in daafaceeda Aleix Vidal uu soo gaaray dhaawac daran islamarkaana uu  garoomada ka maqnaan doono inta ka harsan fasal ciyareedkan kaddib waxyeeladii kulankii ay xalay 6-da gool uga adkaadeen Alaves.

Vidal ayaa garoonka laga qaaday daqiiqadii 87-aad kaddib markii ay kala baxday canqowga, waxaana Daafaca garabka midig uu qaab ciyaareed fiican ku jiray isagoo xitaa caawiyay goolkii Suarez ee furitaanka kulanka, balse nasiib daro dhaawac halis ah ayaa soo gaaray iyadoo uu xitaa dhulka ka kici waayay waxaana durba waaxda caafimaadka u qeylo dhaamiyay Iniesta si ay ula soo gaaraan Bareelaha.

Si kasta Waxaa la soo muujiyey sawir muujinaya sida daran uu u kala baxay canqowga Vidal iyadoo durba lala cararay Isbital ku yiilay Vitoria si loogu soo daweeyo, jamaahiirta camaaliqada ayaa ka xumaaday xaalka laacibkaan iyagoo caafimaad u rajeenaya.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close