Barcelona vs Real Betis- Lionel Messi Oo Weerar Kali Ku Ah Bulgrana Iyo Suarez oo dhawac qabo

Kooxda Kubada cagta Barcelona ayaa caawa xusi doonto dhibatadii weerarkii argagixiso ee ka dhacay dalka Spain, garoonka Camp Nou ayaa caawa xus gaar ah loogu sameyn doonaa dadkii dhibaatad kasoo gaartay weerarkaas.

Ciyaartoyda Barcelona ayaa qaadan doona maaliyado u gaar ah oo ay ku ixtiraamayaaan dadkii dhibanayaasha ah, waxaana ay dusha kusoo qoran doonaa dhamaan ciyaartooyda magaca Barcolona.

Kaliya afar maalmood ka dib guuldaradii El Clásico, kooxda Barcelona waxay rajeyneysaa inay ku bilaabato xilli ciyaareedkaan horyaalka la liga iyagoo leh qaab ciyaareed xoogan marka ay soo dhaweynayaan Naadiga Real Betis.

Barcelona ayaa Camp Nou ku ciyaaraya kulankooda ugu horeeya horyaalka La Liga xili ciyaareedkaan cusub ee 2017-2018



Saacada: 9:15 PM

Garoonka: Nou Camp

SAFAFKA MACQUULKA AH

Barcelona (4-4-2) Ter Stegen; Semedo, Mascherano, Umtiti, Alba; Roberto, Rakitic, Busquets, Denis; Messi, Alcácer

Real Betis (4-3-3) Adán; Barragán, Mandi, Feddal, Durmisi; Javi García, Guardado, Camarasa; Joaquín, Sergio León, Nahuel.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close