Baskii Kooxda Borussia Dortmund Ninkii qarxiyey oo qirtay danbigiisa

Ninkii lagu tuhunsanaa in uu fuliyey weerar qarax ahaa oo lala beegsaday bus ay saarnaayeen cayaaryahannada kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund sannadkii hore ayaa la keenay maxkamad ku taalla waddanka Jarmalka.

Qaraxaas oo burburiyey qayb ka mid ah baska ayaa ay dhaawcyo kasoo gaadheen cayaaryahanka Barta.

Ninkan la tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Sergei ayay da’diisu tahay 28 jir, waxaana uu kasoo hormuuqday maxkamadda magaalada Dortmund.

Sergei, waxa uu maxkamadda ka sheegay in aanu doonaynin uu qof dilo, hase yeeshee uu haddana fuliyey qaraxaas oo aanay cidina ku dhimanin.

Boolisku may sheegin magaca rasmiga ah ee ninkan  hase yeeshee waxay tibaaxeen inuu u dhashay waddanka Jarmalka, laakiin asal ahaan uu kasoo jeedo waddanka Ruushka.

Khasaaraha uu qaraxaasi sababay waxa ka mid ah in uu Bartra uu gacanta ka jabay, balse sarkaal booliska ka tirsan uu ku dhego beelay.

Xeer ilaalinta waddanka Jarmalka ayaa a sheegay inay qorshaha Sergei uu ahaa khamaar uu ku galay khalkhal uu geliyo ciyaaryahannada Dortmund oo u socday ciyaar semi-finalka Champions League ahayd oo ay kusoo dhoweynayeen AS Monaco.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close