Home » Falanqeynta » Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xidiga C. Ronaldo.

Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xidiga C. Ronaldo.

Kooxda kubada cagta ee Bayern Munich ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xidiga Real Madrid ee Ronaldo.

Wargeyska corriala dello Sport ayaa ogaatay in Naadiga Bayern Munich ay qayb ka noqotay kooxaha xiisaynaya saxiixa laacibka reer portugal ee Cristiano Ronaldo.

Macalin Carlo Ancelotti oo saaxiib dhaw la ah Ronaldo ayaa ku cadaadinaya kooxdiisa inay tartan u gasho saxiixa laacibka reer Portugal.

Ronaldo ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Real Madrid laakiin xidiga ayaa qorshaynaya inuu ka sii ciyaaro qaarada yurub taas oo ka dhigtay inay ku tartamaan kooxo badan oo waa weyn ee yurub.

Bayern Munich ayaa kula soo biirtay xiisaha laacibkaan kooxaha PSG iyo Manchester United oo horay loola xiriiriyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*