Bixid Mise? Laacib Horey Usoo Maray Real Oo Tallo Lama Filaan Noqotay Siiyay Neymar

Laacibkii hore ee kooxda Real Madrid, ee Kaka, ayaa wuxuu ka hadlay sheekadda ku aadan bixitaanka weeraryahanka Naadiga Barcelona, iyo dalka Brazil, ee Neymar Jr, kaasoo si weyn loola xiriirinayo inuu ka tagayo Camaaliqadda Spain.

Ciyaarayahankaan ayaa waxaa la hadalhayaa, inuu 222 Malyuun ugu dhaqaaqayo Kooxda ka dhisan caasimadda dalka Faransiiska, ee PSG, taasoo banaanka keentay xiisaheeda ay uqabto wiilkaan.

Kaka, ayaa wuxuu wiilkaan kula taliyay inuu iska sii joogo naadigiisa, islamarkaana uu iska indha tiro dalabyadda waalida ah ee kaga imaanaya kooxda reer Faransa, ayna usii wanagsan tahay inuu baaqi kusii ahaaddo kooxdiisan.s

Ma ahan, laacibkii ugu horeeyay ee ka tirsan Los Blancos ama kaba soo tirsanaa ee ka hadla Mustaqbalka Neymar, waxaana sidaan oo kale, horey uga soo hadlay Ronaldo, oo kula taliyay inuu ku biiro United iyo Casamiro oo Real dhahay.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close