Bony oo cara ka muujiyay in kursiga keydka lagu hayo kulankii Arsenal

01_22223548_4e760f_2614636a

Wilfried Bony ayaa banaanka soo bandhigay caradiisa ka dib markii kursiga keydka uu geliyay tababaraha Man City Manuel Pellegrini kulankii Arsenal.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa ka careysnaa in kursiga keydka loo geliyay Sergio Aguero oo aan taam buuxda aheyn.

Bony ayaa yiri: “Miyaan u maleyaa inaan u qalmay inaan ku soo bilowdo? Haa. Waan ka niyadjabsanahay inaan ku soo bilaabanin.

“Ma ahi tababaraha. Tababaraha ayaa sameeya waxa u fiican kooxda. Waan hubaa in qof kasta oo kursiga keydka ku jira inuu doonayo inuu ciyaaro.”

Markii loo sheegay in Aguero uu yahay weeraryahan heer caalami oo aad loo qiimeeyo, Bony ayaa yiri: “Haa, laakiin waxa uu kaliya ka soo laabtay dhaawac. Ma uusan ciyaarin muddo isbuucyo ah.”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close