Boqorka Yurub Wuu Soo Laabtay! CR7 Oo Wax Uusan Horey U Sameyn Xiddig UCL Soo Maray Sameeyay

Ciyaaryahanka Naadiga kubadda cagta Real Madrid iyo qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo, ayaa wuxuu xalay soo bandhiga qaab ciyaareed aad u qanciyay taageerayaasha Los Blancos, isagoona dhaliyay Laba gool, ciyaartii ay 3-0 ugu soo awood sheegteen Apoela.

Wiilkaan ayaa goolashaas uu dhaliyay waxay sabab ka dhigtay in guud ahaan Tartankaan uu ka dhaliyo goolal gaaraya 107 gool dhamaan kulamadii uu ciyaaray isagoo matalaya Real iyo naadiyadii uu horey ugu soo matalay, waxaana uu yahay laacibka kaliya ee sidaan sameeya.

Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa kaliya ah mida kusoo dhow, wuxuuna lee yahay isana 96 gool, waxaana udhaxeeya Farqi weyn, kaasoo aanan ka badneen 11 gool, waxaana wiilkaan gaaban uu isana xalay dhaliyay Laba gool, waxaana uu sameeyay wax badan.

Boqorka Yurub ee Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu umuuqanayaa mid usoo diyaargaroobay sanadkaan uu galo loolan aad u adag, wuxuuna kulankii Apoela, uu muujiyay inuu wali yahay mid tartan midka ugu adag geli kara, uuna la dagaalmi karo ciyaaryahan waliba.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close