Buffon oo amaan ugu qubeeyay Pogba ” waxa uu la mid yahay xiddigaha …..

Kabtanka kooxda Juventus Gigi Buffon ayaa sheegay in Paul Pogba uu yahay xirfadiiste cajiib ah isagoo carabka ku dhuftay in uu soo xasuusiyo labo shaqsi aan marnaba niyadiisa ka go’eyn.

Shabaq illaaliyaha u dhashay dalka Talyaaniga ayaa tibaaxay  in markii uu arko Pogba isagoo kubad wata uu soo xasuusanayo halyeeyadii kooxda Juventus Zinedine Zidane iyo Michel Platini.

“Waa da’yar xirfad wanaagsan u leh kubadda cagta, waana dagaal yahay kubadda dhan walba kasoo dilla, runtii waxaa inaga tagay xiddig cajiib ah.

“ Markii aan arko ani ahaan waxaa igu soo dhaco halyeeyadii reer France iyo kooxda Juventus Zidane iyo Michel Platini ayuu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay  goolhaye Buffon.

Sikastaba Paul Pogba ayaa lagu iibsaday qiimihii ugu sareeyay taariikhda ciyaaryahan lagu gato suuqa , isagoo kullankiisii koowaad ee ManUnited  si weyn ugu soo dhex muuqday ciyaarta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close