BURCAD: Koox Laga Jabsaday Barteeda Twitter-ka Oo Looga Dhawaaqay Inay Lasoo Wareegtay Messi

Kooxda ka ciyaarta Horyaalka heerka labaad ee dalka Spain, ee lagu magacaabo Burgos, ayaa waxaa laga jabsaday Barteeda Twitter-ka, waxaana sida la sheegayo udhacay taageerayaal, iyagoona ku dhawaaqay inay lasoo wareegeen Messi.

Sheekaddaan ayaa waxay dhacday xalay, [Xiliga dalka Spain] waxaana ay ka dambeysay kadib markii loo dhacay Bogga Twitter-ka, ee Barcelona, islamarkaana lagu dhawaaqay inay lasoo wareegtay De Maria.

Dhacadaan ayaa waxay noqoneysa middii seddaxaad oo ka dhacday caalamka, ciyaaraha isla maalmo gudaheeda kadib markii Laga jabsaday Barca iyo xiddiga Manchester United, ee Lukaku.

Tanni ayaa waxay noqotay mid ay si weyn u hadalhayaa waraabinadda kala duwan ee caalamka, waxaana la fallanqeenayaa inay bedan karaan dhacdooyinka noocaan ah, islamarkaana wax badan ay haleyn doonaan.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close