Buun buuninti Alexandre Lacazette oo soo dhamaatay

Laacib.so Gool dhaliye Alexandre Lacazette ayaa maalmihii ugu dambeeyey lala xiriirinayey in uu u hayaami doono naadiga Arsenal balse sheekadaa oo idil ayaa hatan soo dhamaaneysa maadama xidigaani uu dhaawac u soo gaaray.

Madaxweynaha kooxda Lyon ayaa wuxuu si rasmi ah shaaca kaga qaaday kadib markii uu soo idlaaday in xidigan uu soo gaaray dhaawac, kaasoo la badalay inta uu socday kulanka.

Wararku ayaa waxay intaa ku sii darayaan in dhaawacan soo gaaray Alexandre Lacazette, ay sabab u noqon karto inay dib u dhacdo ku biiristiisa kooxda Arsenal.

Halka wararku qaarna ay qabaan in kooxda reer London ay ka baxdo rabitaankeeda ku aadan inay lasoo saxiixato dhaliyahan kooxda Lyon ee Alexandre Lacazette.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close