Home » Champions League » C.ronaldo oo macalinkiisa Zidane kadalbaday arrin muhiim ah…

C.ronaldo oo macalinkiisa Zidane kadalbaday arrin muhiim ah…

Sida uu daabacay wargeyska sportska ah ka soo baxa dalka spain, ronaldo ayaa Tababarahiisa Zidane ka dalbaday in marwalbo uu ciyaarsiiyo Toni Kroos.
Naadiga Real Madrid ayaa Sabtidii lasoo dhaafay markale tallaabo u qaaday ku guuleeysiga Horyaalka LA liga, markii ay 3-2 uga adkaatay Kooxda Sporting Gijon.
Real Madrid ayaa sidoo kale jaanis u haysata ineey difaacato Koobka Champion League, markii ay arbacadii lasoo dhaafay 2-1 uga soo adkaatay kooxda Bayern Munich oo garoon keeda joogtay.

Zidane ayaa indhaha ku haaya inuu taariikh sameeyo islamarkaasna noqda macalinkii ugu horeeyay ee daafacda Champion League oo uu sanadkii hore qaaday.

Toni Kroos ayaa kaalin weyn ku lahaa Guulihii ay xagaagan wada gaartay real Madrid, waxaana uu yahay mid kamid ah kuwa ugu caawinta badan ciyaaryahanada qadka dhaxe ee ka ciyaara qaarada Yurub.

c.Ronaldo ayaa hada aaminsansan in Luka Modric uu ka saameeyn badanyahay Toni Kroos islamarkaasna muhiim tahay in inta badan Garoonka lagu haayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*