Caawa oo lagu Bixinayo Xafladda Abaalmarinta Ballon d’Or magaalada Paris

Majaladda dalka France Football Magazine ayaa go’aansatay iney xaflad u sameyso abaalmarinta Ballon d’Or oo ay bixiyaan sanad walba waxeyna soo bilaabeen nus qarni ka hor, xaflad weyn ayey qaban qaabinayaan kana dhici doonta caasimada Paris.

Ballon d’Or waa mid ka mid ah Jaa’izooyinka ugu sareeya heerka kubadda cagta waxaana loo tixgelin jiray laacibta yurub ka hor inta aysan la midoobin FIFA Best Player of the Year sanadkii 2009 markaas oo loo bixiyay labadii abaalmarin FIFA Ballon d’Or.

Heshiiskii ay galeen FIFA iyo France Football Magazine ayaa dhamaaday 2015, waxeyna sanadkii lasoo dhaafay bixiyeen markii ugu horeysay, waa markii ugu horeysay oo xaflad loo qabanayo abaalmarintaan madama Ronaldo loogu geeyay dalka Spain sanadkii hore, ka hor inta aysan la midoobin FIFA iyo kadib markii ay kala jabeen wax xaflad ah looma sameyn jirin.

 

Xafladda waxey ka dhici doontaa Eiffel Tower, saacadda markey tahay 7:45 Fiidnimo (Waqtiga Paris) kuna beegan 6:45 Maqribnimo (UK) 9:45 Habeenimo (Xiliga Geesk Afrika).

7-da December ayeyna dhacdada dhici doontaa Khamiis.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close