Cafu Oo Dood Cusub Ka Dhex Abuuray Halyey Pele Iyo Weerar Yahan Neymar, Muxuu Yiri?

Weerar yahan Neymar ayaa ka sare mari doonaa halyeygii Brazil Pele marka la fiiriyo gooldhalinta xulkaas Selecao waxaa aragtidaas qaba kabtankii hore ee xulak Brazil Cafu. Laacibka kooxda Barcelona ayaa horayba ugu dhaliyay 50 gool ciyaaraha xulkiisa, waxaana ka sarreeya kaliya Pele, Ronaldo iyo Romario marka laga hadlo gooldhalinta qarankiisa.

Pele ayaa xulka u dhaliyay 77 gool waa qaranka Brazil waxaase Cafu, uu sheegayaa in meesha ugu sarreysa ee gooldhalinta qaranka Brazil uu istaagi doono Neymar marka la fiiriyo tayada laacibkan iyo da’diisa oo la isku daray lana sii raaciyay goolasha uu xilligan xulkiisa u dhaliyay. Cafu ayaa u sheegay FIFA: “Dhammaan rikoorrada jira waa la jebin doonaa. Dabacan, Neymar ayaa tan gooldhalinta qaadan doona.

“Waa nin yar wuxuuna heystaa fursad kale. Haddii uu sii wado ciyaarista waqtigan keddib, wax walba ayaa ka suurtagali kara isaga [waxaana uu ka gudbi doonaa Pele].” Waxaa uu xulka Brazil ka caawiyay hanashada billadii dahabka ee Olympic-da sanadkii hore, Neymar ayaana dhaliyay 4 gool 5 kulan oo uu ciyaaray si xulkiisu ugu soo baxo koobka Adduunka.

Si kasta  Wuxuu sameeyay rikoor kale oo u gaar ah kaasoo ah 142 safasho, wuxuuna u muuqdaa kan la wareegaya rikoorkaas, Cafu ayaa kusii daray: “waxaan u maleynayaa warkaas waa la fahmay Brazil oo xulkiisa metelayay wax ka badan – 16 sano ayaa sheegay!

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close