Cajiib: Jaceylkii Ugu Weynaa Oo Caasimda Spain Looga Hayo Weerarar Yahan Aguero

Naadiga kubadda cagta Real Madrid ayaa markale soo rogaal celisay dookheedii waalnaa eek u aadan weerar yahanka kooxda Manchester City, iyadoo xiiso badan u qabta ciyaaryahan Aguero.

Kooxda caasimadda spain ka dhisan ee Real Madrid ayaa diyaar u ah in Manchester City xiddggeeda Sergio Aguero ay ka dhaqaajiso horyaalka dalka Ingiriiska dibna loogu celiyo horyaalka Spain oo uu mar ka tirsanaan jiray, sida ay ku warrameyso Mirror.

Laacibka dalka Argentine ayaa la tacaalaya sidii uu ula qabsan lahaa hannaanka cusub ee macallin Pep Guardiola uu ku doonayo hoggaaminta kooxda, Gabriel Jesus ayaana laga yaabaa in uu booskiisa si toos ah ula wareego.

Si kasta Karim Benzema iyo Alvaro Morata ayey suuragal tahay in ay kooxda ka tagaan, Madrid ayaana beddel fiican u aragta Aguero marka uu ganaaxa suuqa kooxdan ka feydmo 2017-18.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close