Cajiib: Taageerayaal Kooxda PSG Oo Tooreey Isku Dilay, keddib Guul Daraddi Barcelona

Wiil da’ oo 20-jirka ah oo taageera Paris Saint-Germain ayaa dilay saaxiibkiis markii uu ku maadeystay keddib khasaarihii kooxdaas ee Champions League, sida ay warineyso AFP. Ilo Garsoor Maxkameed ah ayaa ku waramaya in 18-jirkan uu sitay middi isla markaana uu qoorta uga muday saaxiibkiisa, keddib markii ay dhammaatay ciyaartii Barcelona ee 6-1 naadigiisa looga badiyay.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday dalka Gabon, magaaladiisa Libreville, xilli la sheegayo in taageerahaan dhallinta yar uu u muuqday mid cabsan, inta uusan saaxiibkiis middida ku dilin.  Waxaa la warinayaa in weerarku uu dhacay markii lagu maadeystay ninka kooxdiisa PSG laga raayay kaasoo aad uga careysnaa Khasaaraha gaaray kooxda uu taageeraha u yahay.

Ninkan weerarka ku waxyeelloobay ayaa dhintay, markii Isbitaalka loola cararay keddib, in kastoo la wareystay ninka dhibka geystay oo yiri ma aanan fileyn in waxaan dhacayaan, ninka dhintayna anigaba saaxiibkey ayuu ahaa.  Barcelona ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee taariikhda Champions League kasoo laabata 4-0 wareegga 16-ka lugta hore looga badiyay, waxayna u gudubtay wareegga xiga ee 8-da kooxood.

Luis Suarez ayaa dhaliska goolasha billaabay daqiiqaddii 3-aad, ka hor inta uusan Kama’ gool iska dhalin Layvin Kurzawa oo ciyaarta ka dhigay 2-0 inta aan qeybta nasiinada la aadinba. Lionel Messi ayaa 5 daqiiqo keddib soo laabashada qeybta dambe dhaliyay goolka 3-aad Edinson Cavani ayaase nooleeyay rajada PSG.

In kastoo macallin Luis Enrique kooxdiisu ay markii dambe 7 daqiiqo ku dhaliyeen 3 gool xilli Neymar uu laba ka mid ah dhaliyay iyo Sergi Roberto oo dhaliska soo xiray daqiiqaddii 95aad ee kulanka oo ciyaartaba ugu dambeysay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close