CAJIIB ” Taageerayaasha Barcelona oo mar qura o wada kacay xiddig Real Madrid ay leedahay

Taageerayaasha Barcelona oo la ogsoon yahay in cadaawad ay  kala dhaxeysay Real Madrid ayaa mar qura u wada kacay xiddig ay leedahay Real Madrid.

Denis Cheryshev ayaa badel kusoo galay kulankii xalay kooxdiisa Valencia loogu adkaaday 7-0, waxaana soo dhaweyn jees jess ah uu kala kulmay taageerayaasha Barcelona.

Sacabka  iyo soo dhaweynta Jamaahiirta Barcelona ee ku aadan xiddigan ayaa salka ku haya in ay la dhacsan yihiin qaabkii xiddigan uu kooxdiisa Real Madrid  uga reebay Copa del Rey.

Sikastaba Xiddiga reer Ruush, ayaa sabab u ahaa in Real Madrid laga saaro Copa del Rey, kaddib markii uu u ciyaaray isagoo ganaaxan ka hor inta uusan amaah ugu soo biirin Valencia.

Related Articles

8 thoughts on “CAJIIB ” Taageerayaasha Barcelona oo mar qura o wada kacay xiddig Real Madrid ay leedahay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close