Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay Kulanka Adag Ee Wareega 16-ka UCL Ku Dhexmari Doono Real & PSG

Carlo Ancelotti, oo tababare usoo noqday labadooda Real Madrid iyo  Paris Saint-Germain, ayaa wuxuu sheegay kulanka adag ee udhaxeeya Madrid iyo PSG, uu yahay mid go’aamin doono kooxda aanan la qaban karin hadii ay badiso.

Ancelotti ayaa rumeysan in hadii ay Real guul ay hesho kulankaan ay noqon doonto mid aanan la awoodi karin in la joojiyo, isagoona cod dheer ku sheegay in Los Blancos ay hada xooga saareyso tartankaan.

Wuxuu yiri: “Hadii Real Madrid ay badiso kulanka [PSG ay la dheeleyso] waxay ka dhigan tahay inaan la celin doonin.

“Waan ognahay inay hada diirada saarayaan Champions League, sababtoo ah inay lumiyeen loolanka La Liga iyo in laga soo reebay Copa del Rey.

“[PSG] iyaganu waxay yihiin, kuwa wax badan oo khibrad ah soo dhax lay maxaa yeelay labadii sano ee lasoo dhaafay ayay si fiican ugu dhex-jireen tartartankaan.

“Waxay haystaan Neymar iyo r and [Kylian] Mbappe, waana kuwa aad halis u ah, waana kuwa abuuri kara fursado badan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close