Chelsea oo badalka Cesc ka dhigaysa ciyaaryahan Javier Pastore

Laacib.so; Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso ciyaaryahanka khad dhexe uga ciyaara Paris Saint-Germain ee Javier Pastore marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo,sida ay sheegayaan wararka ay baahinayso French Football.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa ku jahwareersan caasimada faransiiska tan iyo markii uu macalinka cusub ee kooxda Unai Emery la wareegay maamulka kooxdan,waxana laga yaaba in badal uu u noqdo ciyaaryahan Cesc Fabregas.

Xidiga reer Spain ayaa lagu wargaliyay in uu raadsan karo booska haboon garoonka Stamford Bridge,waxana maanka lagu hayaa in sanadka cusub uu kooxda ka baxo

Kooxda hogaamiyaheda sanadkan kusoo biiray macalin Conte ayaa hada raadinaya badalka ugu macquulsan ee xidigan waxana sido kale jira ciyaartoy kale oo kooxda ay dalab ka gudbisay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close