Chelsea Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay West Brom Xili Hazard Uu Labo Jeer Shabaqa Gaaray

Weerar yahanka Chelsea ee Eden Hazard ayaa labo gool ka caawiyay kooxdiisa ciyaar ay 3-0 ay uga soo badiyeen xalay dhigooda West Brom, kuwaasoo ay ku mari qaadeen garoonkooda Stamford Bridge ee Galbeedka London.

Kulanka labaddaan kooxood oo ahaa mid aad uxiiso badan ayaa hogaanka waxaa Blues udhiibay Eden Hazard, daqiiqadii 25aad ee qeybta koowaad.

Kadib goolkaas West Brom ayaa isku deyday inay iska sooo guddo laakiin um aysan suura gelin, waxaana qeybta koowaad lagu kala sidaas.

Eden Hazard of Chelsea celebrates after scoring his sides third goal with his team mates

Markii dib leyskugu soo laabtay qeybta labaad, xidigaha Chelsea ayaa meeshooda kasii waday ugaarsiga Shabaqa kooxdii kasoo horjeeday.

Daqiiqadii 63aad Chelsea ayaa heshay goolkii labaad ee ciyaartaan, Victor Mosses oo dalk Nigeria kasoo jeeda ayayna uga mahad-naqayaan.

Iyadoo ay ciyaartu sidaas ku socoto ayaa waxaa Daqiiqadii 71aad, waxay gool ka heshay Chelsea mar kale Hazard, kaasoo 3-0 ka dhigay.

Ugu Dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhamaaday 3-0 oo looga adkaaday West Brom waxayna ka dhigan yahay in Chelsea ay dhabaha guulaha ay kusoo laabatay kadib markii ay guul darooyin ay isku raaceen maalmihii udambeeyay.

Natiijadaan ayaa uga dhigan Chelsea inay soo galeyso kaalinta Afaraad, iyadoona leh 53 Dhibcood, waxayna ka hooseysaa naadiyadda Liverpool, Manchester United iyo Man City, kuwasoo 3aad, 2aad iyo koowaad ku jira.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close