Chelsea Oo kor u qaaday Xiisaha Ay Uqabto Daafaca Southampton Ee Virgil Van Dijk

Naadiga Chelsea ayaa markaan go’aansatay in ay kordhiso dadaalka ay kula soo wareegeyso laacibka daafca kaga ciyaara kooxda Southampton ee Virgil Van Dijk, Tan iyo dhammaadkii xili ciyaareedkii hore daafacaan ayaa lala xariirinayay inuu ka tagayo garoonka St Mary, iyadoo kooxaha Liverpool, Manchester City iyo Chelsea indhaha ku hayaan.




Si kastaba ha ahaatee kooxda Liverpool ayaa isaga hartay doonista xiddigaan xulka dalka Holland, balse Chelsea ayaa la sheegay in ay kordhisay dadaalka ay kula soo saxiixaneyso xidiga Van Dijk, Wargeyska The Sun ayaa kusoo waramaya in macalin Antonio Conte uu diyaarinayo dalab £54m ah oo uu ka gudbiyo daafacan dhexe ka hor xili ciyaareedka cusub.

Kooxda horyaalka Premier League difaacaneysa ee chelsea ayaa hadda waxa ay lasoo saxiixatay xiddigii hore ee kooxda As Roma Antonio Rudiger, Macalin Conte ayaa u baahan saxiixa Van Dijk, si loogu ogolaado Cesar Azpilicueta inuu ka ciyaaro garbaha daafaca kooxda, laacibka Van Dijk ayaa dhawaan cadeeyay sida ay ugu go’an tahay in uu ka taggo Naadiga kubadda cagta ee Southampton xagaagan cusub.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close