Chelsea Oo Laga Reebi La’ Yahay Goolhaye Karl Darlow,Maxaa Jira?

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa raacdeysaneysa saxiixa goolhayaha kooxda Newcastle ee booska labaad Karl Darlow, sida ay warar sheegayaan.

Kooxda Blues ayaa qorshaha ay laacibka Darlow ku dooneyso wuxuu soo ifbaxay January markii uu suuqa kala iibsigu furnaa, xilligaas oo Asmir Begovic uu shaaciyay in uu ka tegayo Stamford Bridge.

Newcastle ayaa si cad u diidday Chelsea dalabaadkeeda, balse weli daaqadda kama aysan xiran oo waxay leedahay waxaan dooneynaa in aan qiimo fiican ku helno xiddigga.

Chelsea ayaa u baahan goolhaye keydka u fariista Thibaut Courtois keddib Begovic oo kooxda ku wargeliyay in uu ka tegayo haddii aysan boos joogto ah u heynin isaga.

Darlow ayaa hadda ah dooqa koobaad ee St James’ Park wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay in ay heerka hoose ee Championship kasoo laabato.

Newcastle ayaa dooneysa in ay Premier League cashar ugu dhigto kooxaha ay wajaheyso marka ay kusoo laabato waxayna soo garaacday Derby 1-0 kulan ku dhammaaday Sabtigii.

Si kasta Ninkan booska waxaa uga horreeyay Tim Krul oo ka tegay gooxda kuna biiray kooxda AZ Alkmaar.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close