Chelsea oo wali an ka harin saxiixa Alvaro Morata

Laacib.so  Naadiga Chelsea macalinkeeda Conte ayaa waxa uu wali indhaha la raacaya gool dhaliyaha naadiga Real Madrid ee Alvaro Morata,sida uu daabacay Daily Mail.

Wargeyska ayaa wuxuu sidoo kale intaa ku sii daray in lagu wado in kooxda uu isaga dhaqaajiyo Diego Costa, sidaa darteed kooxda ka dhisan galbeedka London ay ku qasbanaan doonto in qarashaad farabadan ay ku bixiso saxiixa Álvaro Morata.

Masuuliyiinta kooxda Chelsea ayaa lagu wadaa in miiska ay u saaraan dhigooda Real Madrid qiimo dhan 60 ilaa iyo 74 million euro, si ay ugu qanciso kasoo qaadashada dhaliyahooda reer Spain ee Morata.

Dhinaca kale waxaa la ogsoonyahay in macalinka kooxda Real Madrid Zinedine Zidane uu doonayo in xidigan uu baaqi ku sii ahaado garoonka Santiago Bernabéu xili ciyaareedka cusub.

Si kastaba ha ahaatee wararka laga helayo gudaha dalka Egland ayaa waxay intaa ku sii darayaan in kooxda Chelsea ay xitaa diyaar la tahay bixinta aduun lacageed gaaraya 80 million euro si ay ugu guuleysato oo kaliya saxiixa xidigan reer Spain.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close