Cida Fiican Leo & CR7, Waqtigii Ugu Fiicnaa Barca, Xaalka Benzema & Lineker Furka Tuurtay

Gary Lineker, wuxuu wali la jiraa Naadiga Barcelona, waxaana uu ka hadlay kooxdiisii hore, wax ku saabsan Lionel Messi iyo Karim Benzema, isagoona sheegay in Leo uu yahay mid ugu fiican dhamaan dunida.

Intii lagu guda jiray waayihiisa Barcelona oo saddex sano ahaa, Lineker, wuxuu dhaliyay 42 gool, isagoona saftay 103 kulan oo La Liga ah, wuxuuna ahaa laacibkii ugu gooldhalinta badan kuwa kasoo heeda dalka Ingiriiska la hor Gareth Bale.

“Waan jeclahay Barcelona, waan arkaa dhamaan kulamadeeda, waxaana ahay taageere Barcelona, afarteyda caruur waa sidoo kale, Barcelona, waxay fiicneed waqtigii Ronaldinho, Xavi, [Andres] Iniesta, Messi waa duni kale,” ayuu yiri.

Weeraryahankii hore ee England, ayaa sidoo kale ka hadlay Messi iyo jaceylka uu u qabo ciyaaryahanka reer Argentine.

“Wuxuu sameeyaa afar ama Shan waxyaaboo kulan kasta, ma aanan sameyn aniga xirfadeyda, wuxuu sameeyaa arrimo cajiib waa midkii abid ugu fiicnaa ma aanan aaminsaneen inuu soo bixi doono mid ka fiican [Diego] Maradona.

“[Diego] Maradona wuxuu qaaday Koobka aduunka, laakiin Messi ma uusan sameyn, laakiin Leo Afar Champions League, ayuu Barca la qaaday,” ayuu hadalkiisa ku daray Gary Lineker.

Ugu dambeyn, 54-sano jirkaan oo si fiican uqanaa dhaleeceynta weerar yahanka Real Madrid, ee Karim Benzema ayaa aaminsan in gooldhalinta ay ka dhigi karto wiilkaan reer France, mid wanagasan.

“Wuxuu kooxda ula dheelaa marka uu Cristiano, joogo si fiican, waana gooldhalin weyn, aniga ahaan waxaa jira weerar yahano ka fiican Benzema, wax walba waan ka hadlay, kaliya gooldhalinta ayaan ka hadlay,” ayuu kusoo gaba gabeeyay.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close