City Oo Quusatey, Chelsea Oo Kusoo Biirtey & Mourihno Oo Ka Hadlay Ugaarsigooda Sanchez

Manchester City ayaa la xaqiijiyey inay isaga hartey tartankii loogu jiro helitaanka weerar yahanka Arsenal ee Alexis Sanchez, kaasoo ay hogaamineysay xiisahihiisa tan iyo bilowgii xili ciyaareedkan.

Tani ayaa waxay ka dhigan in kooxda kubada cagta Manchester United ay kali ku noqon doonto ugaarsiga wiilkana reer Chile, kaasoo la sheegayo inuu ku wajahan yahay Old Trafford, isagoona laga bixin doono aduun dhan 35 Malyuun.

Laakiin, wararka ka imaanaya Magaalada London, ayaa waxay sheegayaan in kooxda Chelsea ay United, ku ciriirineysa dalaada ay wado, kuwasoo ay ku dooneyso inay ku hesho adeega Sanchez.

Wargeyska Express Sport ee kasoo baxa wadanka UK, ayaa sheegaya in maamulaha Blues ee Antonio Conte uu diyaar uyahay inuu Manchester United uu kula dagaalamo helitaanka Sanchez, uuna bilaabay qorshahaas.

Dhanka kale, Maamulaha Manchester United, ee Jose Mourinho, ayaa wuxuu sheegayaa in kooxdiisa ay haysato fursad badan soo qaashadda Sanchez, isagoona carabka ku dhuftey inay soo dhaweyn doonaa hadii uu isaga rabo.

Mourinho oo warbaahinta la hadlayey kadib kulankii ay xalayto 3-0 uga adkaadeen Stoke City ayaa wuxuu yiri: “Waxaa jira kooxo qiyaas ahaan isaga xiiseynaya, iskuna deyaya inay helaan.

Wuxuu intaas ku darey: “Laakiin marnabada iskuma aanan dayin inaan la hadlo ciyaryahan Arsenal udheelaya.

“Waxaanan ahayn mid kalsooni badan qaba ama aanan isku qabin, hadii uu joogayo Arsenal waa mid wanaagsan hadii uu inaga noo imaanayo waa mid wnaagasan, xitaa hadii uu koox kale, aadyo iyad ayay u wacan tahay.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Hadii uu noo imaanayo waxaan umaleynayaa inaan uhaysano midaas Fursad [wanagasan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close