Ciyaaryahanadda Messi iyo Suarez oo dukaan ay isla leeyihiin ka furtay…

LAACIB.SO : Kadib markii ay guul daro la soo gudboonaatay labada ciyaaryahan ee Messi iyo Suarez ayaa waxaa u soo baxday in ay maskaxda ku dajiyaan Dukaan cusub oo ay fureen labada xasas ee ay qabaan taasoo keentay in ay suuq geyn (Marketing) u sameeyaan xaasaskooda, dukaankaan ayaa kabaha lagu iibiyaa waxaana ku shirkoobay gabadha uu qabo Suarez iyo Messi xilli lala xiriirinayay in uu aadi karo Messi naadiga Manchester City ee ka dhisan dalka Ingiriiska.

Xaaska Messi Antonella Roccuzzo ayaa waxay dukaan kabaha lagu gado ka wada furteen xaaska Luis Suarez, Sofia Balbi magaalada Barcelona markii ay la talin ka heleen gabadha u dhalatay dalka Argentine ee dharka naqshadeysa – Ricky Sarkany,Ganacsigaan cusub ayaa u muuqda mid Messi uu ku doonayo in uu kusii joogo Barcelona waxaana la sheegayaa in ay jiraan warar aan la hubin oo xaqiijinaya in uu heshiis cusub oggolaaday, kaasoo la rumeysanyahay in sanadkiiba uu ku kici doono £35milyan haddiiba uu saxiixo bisha soo socota ee May 2017.

Ciyaaryahanka Messi ayaa heysta kaliya 1-sano oo qandaraaskiisa waqtigan ah, waxaana soo gaaraya dalbaad ka imaanaya Europe, balse kooxda reer Catalonia ayaa aad ugu kalsoon in wiilkan uusan meelna u socon mana jiraan wax dhibaato ah, maaddaama uu Suarez oo qandaraas kordhiyay ku xirtay lugta, waxaana laacibkaas oo laga saxiixay December 2016, uu kooxda sii joogayaa tan iyo 2021-ka xilli heshiiska xaasaska labadan laacib uu qasbi karo in uu sii joogo Spanishka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close