Conte Ka Hadlay Shakiga Xilkiisa Hareeyay, Guushii Xalay, Bandhigii Giroud & Soo Laabshada Morata

Antonio Conte, hogaamiyaha Chelsea, oo war-fidiyeenka la hadlay kadib kulankii ay xalayto kusoo daareen dhigooda West Brom, kaasoo 3-0 kusoo dhamaaday ayaa amaan ugu qubeeyay Olivier Giroud.

Chelsea, ayaa saddex gool labo kamid ah waxay uga mahad-naqeysaa ciyaaryahankeeda Eden Hazard, kaasoo wac-daro ka dhigay garoonka halka goolka saddexaad uu saxiixay Victor Mosses.

Natiijadaan ayaa waxay Blues ay soo gilisay kaalinta Afaraad, waxayna leeyihiin 53 Buundo, iyagoona Hal dhibin ka dambeeya Liverpool oo kaalinta Saddexaad gashay kadib markii ay Isbuucaan 2-0 ku dharbaaxday Southampton.

“Waxaan umaleynayaa inuu ahaa kulan aad muhiim noogu ah, waxaana ku farax-sanahay inaan si fiican aan uguuleysano,” ayuu macalinka Talyaaniga ah ee Chelsea hogaamiya uu ku bilaabay hadalkiisa.

Image result for Antonio Conte felt securing three points was the most important thing as they returned to winning ways after back-to-back defeats with a 3-0 win against West Brom at Stamford Bridge.
Conte Ka Hadlay Shakiga Xilkiisa Hareeyay, Guushii Xalay, Bandhigii Giroud & Soo Laabshada Morata

“Waxaan had iyo goor aan isku deyi doonaa inaan guuleysano, waana mid shaqadeena ah inaan ku howlanaano sidii aan guul u gaari lahayn,” ayuu ku daray hadalkiisa tababaraha Chelsea.

“Waxaan umaleynayaa in dheelsiinta Giroud ay nagu qasabtay inuu dhaawac naga haa Morata, waxaana uu noo yahay mid muhiim ah isaga, sida uu sameeyay, waa mid lagu farxo,” ayuu sii dab a dhhigay.

“Wuxuu na siiyay muuqaal ciyaareed heer sare ah, waana mid waajib ah inaan ku faraxno inaan helnay Labo weerar yahan [Morata iyo Giroud],” ayuu Conte ku nuux-nuux saday intaas kadib.

Isagoo ka hadlay shakiga hareeyay Xilkiisa, ayuu kusoo gunaanuday hadalkiisa: “Waxaan ubaahan nahay inaan la dagaalano hadalada kutur-kuteynta ah, sidaas darteeda waan badin doonaa ciyaar kasta, si aan ula dagalano.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close