Conte Oo Farta Ku Fiiqay Cida Masuulka Ka Ah Dhibaatada Hada Hayata Kooxdiis Chelsea

Tababaraha kooxda kubada cagta Chelsea ee Antonio Conte ayaa sheegay in dhamaan shaqaalaha Blues, ciyaartoyda iyo waliba qof walba oo Chelsea ku lug leh, uu masuul ka yahay dhibaatada hada haysata kooxdiisa.

Chelsea ayaa waxa aysan guuleysan kulamadii udambeeyay, waxaana kulankii udameeyay guul daro xanuun badan oo 4-1 dhabarka usaarisay naadiga Watford, oo kamid ah kuwa meel dhawaan kasoo dalacay heerka labaad.

Isagoo wariyaasha la hadlayay maanta ayuu Conte sheegay inuu rajeynayo in kooxdiisa ay ka baxdo dhibaatada haysata, laakiin mida kaliya oo ay uga bixi karaan ay tahay inay si wada jir ah ay uwada shaqeeyaan.

Wuxuu yiri: “Ma ahan aniga oo kaliya, waa qof walba – Shaqaalaheyga, ciyaartoydeyda iyo waliba qof walba ayaa masuul ka ah, labadii guul daro ee udambeysay, waana inaan qaadanaa masuuliyadaas.

Wuxuu intaas ku daray: “Kaliya waxaan uga bixi karnaa dhibaatada, inaan si wada jir ah aan uwada shaqeynayo waana  rajeynayaa.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Taageerayaasha waa inay kaalintooda ay qaataan oo aan na taageeraan, waxaana ku kalsoonahay inaan kusoo laaban karno wada guusha, waxayna ku xiran tahay inaan si adag ushaqeyno.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close