Conte oo horay usoo wadan doona daafac halis ah oo badal unoqon doona John Terry

RUMOURS: Conte wants Bonucci at Chelsea

Antonio Conte ayaa ah mid raba in daafaca Juventus Leonardo Bonucci uu keen naadiga Chelsea xagaga soo socda, sida ay sheegtay Daily Telegraph.

Macalinka qaranka Italy ayaa  lafilaya in  dhowan lagu dhawaaqa in uu yahay macalinka cusub ee Blues-ka kadib markii uu heshiis la garay koxda ka dhisan Stamford Bridge maalinimadii Khamiisti, waana mid u eg in uu adkeyn doona daafac kooxda.

John Terry ayaa laga yaabaa in uu kataga kooxda marka lagaaro xagagan, waana mid aan loo soo bandhigin heshiis cusub, marka uu tagat labada daafac ee ku hari doona aya ah Kurt Zouma iyo Gary Cahil labada daafac danbe e kaliya u haray kooxda.

Conte ayaa isna ah mid u arka Bonucci in uu yahay xalaka daafac Blues-ka – waana mid horay ay iskala soo shaqeyen Juventus iyo qaranka Italy – waana mid uu arka badalka ugu haboon ee buuxin kara booska kabtanki hore ee England.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close