Conte Oo Sheegay WAR Aan U Rooneen Dhagaha Jamaahiirta Blues Oo Ku Saabsan Hazard

Eden Hazard ayaa waxaa laga gilinayaa shaki inuu kasoo muuqan karo kulanka FA Cup-ka ka tirsan oo ay Chelsea la dheeleyso Norwich, sababo ku aadan dhaawac kasoo gaaray dhanka Canqowga, sida la tilmaamay.

Xidigaan heerka caalami ee wadanka Belgium, oo dhaliyay Gool Rigoore ah, kulankii ay Arsenal, Bareejada 0-0 ay la galeen, Arbacadii ayaa waxaa la bedalay iyadoona ay ciyaartu ka dhiman tahay Sideed daqiiqo.

Antonio Conte, macalinka Chelsea, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Shaki weyn uu ku jiro in Hazard, uu kamid noqdo xidigaha Blues, ugu dheeli doonta garoonka Carrow Road, kulanka dhacay maanta oo Sabti ah

Wuxuu yiri, macalinka Chelsea: “Marka aad dheesho sadex kulan oo gaar ah kadib Xiliga sanadka cusub, waad inaad sameysaa isku shaan-dheen, fikradeyda waa inaan sii wadnaa sameynta isku shaandheen.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan rumeysanahay ciyaartoydeeda, waxaana hubaa inaan usocdaali doono wareega xiga – David Luiz, wuxuu diyaar uyahay inuu dheelo kulanka, aan wajahano Norwich City.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa, macalinka Chelsea ee Antonio Conte: “Hazard ayuu dhibkeena ka socdaa, wuxuu yahay mid dhibaato ka qaba dhanka Canqowga, waxaa isku deyi doonaa inaan xalino.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close