Costa Oo U Hanjabay Real Xili Uu Sheegay Inuu Ka Aargudan Arin Cajiib Ah Oo Ay Ku Sameysay

Weerar yahanka Atletico Madrid ee Diego Costa ayaa wuxuu sheegay in jabkii ay kooxdiisa kala kulantay kulankii ugu dambeeyay ee uu udheelay oo ahaa final-ka Champions League, dhigeeda Real Madrid, uu gaarsiiyay xanuun badan.

Inkastoo, laacibkaan dhaawac looga saaray kulankaas, kadib markii uu muruqa kasoo gaaray ayaa wuxuu aaminsan yahay in dhaawacaas ay kaga xanuun badneed guul darada kooxdiisa kasoo gaartay Madrid

Isagoo ka hadlay munaasabadii soo dhaweynta loogu sameeyay markii uu dib ugu laabtay shalay oo Axad ahayd, xili uu sanado kusoo qaatay Chelsea, ayaa wuxuu cadeeyay Costa inuu diyaar u yahay inuu ka aarguto Los Blancos.

Wuxuu ku jawaabay mar la su’aalay waxa uu kaga dhignaa kulankaas: “Hagaag, wax badan dib uma xasuusan karo, laakiin waxaan dareemayay xanuun badan dhamaan maalintaas, mana ahayn kaligey waa dhamaanteena.

Wuxuu hadalkiisa kusoo daray: “Laakiin, ma aanan ahayn xiligaas dareen aan uga aargudan karno, balse hada waxaan haysanaa fursad aan hada ku gaari karno halkaas, waxaana gaari siin doonaa Final-ka, Atletico Madrid.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay, xili uu ka hadlay rajadiisa inuu kasoo muuqdo koobka aduunka 2018, isagoo metalaya Spain: “Hadii aan udheelo si fiican, misana aan goolal dhaliyo waan kamid noqon karaa xidigaha Spain.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close