Coutinho Oo Ka Hadlay Sida Uu Arko In Wareega 16-ka UCL Ay Ku Wajahayaa Kooxo Waa Weyn

Philippe Coutinho, laacibka Liverpool, oo uwaramayay Bogga rasmiga ah ee Xiriirka kubada cagta Yurub, ayaa waxa uu sheegay inuu ku farax san yahay inuu dhaliyo sadex gool, kulankii ay xalay ka dheeleen Champions League

Wiilkaan reer Brazil, oo xalay ahaa kabtankii Reds, ayaa wuxuu kaloo sheegay inuu ku farax san yahay in markiisii ugu horeysay loo xiro calaamada Kabtanimo ee Reds:- taasoo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Wuxuu yiri, mar uu ka hadlayay sadexleydii uu xalay dhaliyay: “Waxay ii ahayd habeen khaas ah – Waxa aana ahay mid aad ugu faraxsan, inuu dhaliyo goolashaas, waxaan kaloo ku farax sanahay qaab ciyaareedkeyga caawa.

Wuxuu raaciyay: “Waxay ii tahay mid khaas ah inaan halkaan aan ka noqdo markii ugu horeysay Kabtan. Mar uu soo hadal qaaday inay wajihi karaan kooxo waa weyn ayuu yiri: “Waan ogahay midaas, waxaana arki doonaa waxa dhaca.

Sikastaba, Philippe Coutinho ayaa waxa uu umuuqdaa, sida laga soo xigtay UEFA.com, mid kalsooni badan, ku qaba in kooxdiisa ay sanadkaan ay gaari karo meel wanaagsan, isagoona ah mid aanan qabin wax baqdin ah.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close