Coutinho Oo Klopp U Tilmaamay Labada Xidig Ee Uu Uga Maarmi Karo Isaga Kadib Bixistiisa

Philippe Coutinho ayaa wuxuu farta ku fiiqay in ciyaartoyda kala ah: Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk, ay yihiin kuwa ay Liverpool uga maari karto isaga, sida laga soo xigtay Majalada Daily Mirror, ee wadanka UK.

Coutinho, ayaa wuxuu rumeysan in ciyaartoydaaan ay yihiin kuwa ay uga maari karto Reds, isaga islamarkaaan macalin Klopp, uu ku ilaabi karo isaga iyo bixitaankiisa, wuxuuna kula dardaarmey inuu iyaga siiyo fursad badan.

Wiilkaan reer Brazil, ayaa wuxuu wadnaha gooyey qof walba oo kamid ah kooxda Merseyside, kadib markii uu la gaarey Barcelona, bishaan Janaayo, heshiis uu ugu wareegayo kooxdaan ka dhisan Gobolka Catalonia.

Bluagrana ayaa waxay ku iibsatey Coutinho aduun lacageed dhan 192 Malyuun oo Dollar-ka Mareykanka ah, waxaana uu saxiixay shan Shan oo qandaraas ah, isagoona noqdey xidiga labaad ee aduunka ugu qaalisan Taariikhda.

Coutinho, oo wariyaasha loosoo bandhigey shalay oo Isniin ahayd ayaa wuxuu tilmamaay inuu ku farax-san yahay kusoo biirista Barcelona, islamarkaana ay tahay qeyb kamid ah riyadii uu lahaa oo urumowday.

Wuxuu yiri: “Waxaan ahay mid aad ugu farax-san inuu kusoo biiro Barcelona, dabcan waxay ii tahay riyo uu rumowday inaan kusoo biiro halkaan oo ay joogaan geesiyaasheyda, waxaana rabaa inaan la qaado koobab.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close