Coutinho Oo Sharaxaad Dheeri Ah Ka Bixiyay Farqiga U Dhaxeeya Klopp Iyo Macalinka Barca

Isagoo wareysi siinayay Majaladda SPORT, ee kasoo baxda dalka Spain, ayuu sheegay Coutinho in maamulaha Barcelona iyo dhigiisa Liverpool inay ku kala duwan yihiin qaabka ay udheelaan iyo Khibrad ahaan, Coutinho ayaa wuxuu Barcelona uga soo biiray xili ciyaareedkan dhigeeda Liverpool, waxaana ay uga soo iibsadeen aduun lacageed dhan 192 Milyan oo Yuuroo, taasoo ka dhigta xidigii ugu qaalisanaa abid ay Barca lasoo wareegto.

Image result for Coutinho

Wuxuu illaa iyo hada udheelay Bluagrana wax ka badan Shan kulan, kuwaasoo isugu jira kuwa uu kusoo bilowday iyo kuwa uu bedal ku yimid, wuxuuna illaa iyo uu dhaliyay kaliya Hal gool, kaasoo uu ka saxiixay Valencia.

Kulamadda uu dheelay Kubad-sameeyahaan reer Brazil, ayaa waxay ka tirsanaayeen tartamadda Copa del Rey iyo horyaalka dalka Spain ee La Liga, inkastoo goolka uu dhaliyay uu helay isagoo Copa del Rey dheelaya.

“Hagaag, waxaa jira farqi udhaxeeya labadooda [Ernesto Valverde iyo Klopp], kuwasoo ah qaababka ay udheelaan iyo khibradooda gaarka ah,” ayuu Coutinho ku jawaabay markii la weydiiyay wax ku saabsan Valverde iyo Klopp.

“Laakiin, waxaan ognahay inay yihiin macalimiin waa weyn kuwaasoo hogaamiya kooxo waa weyn oo Yurub ka dheela,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Coutinho, xili uu diiday inuu kusii dheeraado arrintaan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close