CR7 Oo Hanjabaad Hawada U Soo Mariyay Kooxaha Sanadkaan Ka Qeyb Galaya Champion League

Laacibka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu dhaliyay gool, kulankii ay 3-2 ay kaga badiyeen xalayto naadiga Dortmund, kaasoo ka tirsanaa tartanka Champions League, isagoona sameeyay rikoor weyn.

Rikoorka uu sameeyay Ronaldo, ayaa waxa uu yahay inuu noqdo, laacibkii ugu hoeeyay ee wareega Group-yadda Champions League, gool ka dhaliyay waxa uuna sheegay kulankaas kadib inuu ku farax san yahay rikoorkaas uu sameeyay.

Wuxuu yiri mar uu ka hadlay ciyaartaas iyo rikoorka uu sameeyay: “Waxaan ahay mid ku farax san inuu sameeyo rikoorkaas, waxaaan wax aad muhiim iigu ah, waxaana ku faraxsanahay inaan guul ka caawiyo kooxdeyda.

“Champions League, waa koobka aan ugu jecel yahay inaan goolal ka dhaliyo, waxaana ahay mid aad u jecel tartankaan, waxaana ku guuleysan doonaan sanadkaan mar kale, waana qaadi doonaa.

Ugu dambeyn, Ronaldo ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in hadii ay yihiin Real Madrid, aysan ka cabsi qabin in wareega 16-ka ee Champions League ay ku wajahaan koox adag, wuxuuna sheegayaa in aysan qabin wax cabsi ah.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close