Cristiano Ronaldo Oo Garaacay Lionel Messi Kuna Guuleystay Ciyaaryahanka Sanadka Ee Fifa best player

Real Madrid iyo xulka Portugal laacibka weerarka kaga ciyaara Ronaldo,oo  31-jir ah, ayaa garaacay laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo xiddiga Atletico Madrid ee Antoine Griezmann markii uu ku guuleestay abaalmarinta wiilka sanadka ugu fiican ee fifa.

Cristiano Ronaldo oo bishii December ku soo guulaystay abaal marinta Ballon d’Orka ee ay France Football bixisay ayaa markale hantay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee ay FIFA si gaar ah sanadkan u bixisay kadib markii ay kala baxeen France Football oo dib ula noqotay abaalmarinteedii Ballon d’Orka.

Markii uu abaal marintan ku guulaystay ayuu Ronaldo dareenkiisa ka helay wuxuuna markale ku celiyay in sanadkii 2016 uu ahaa sanadkii waayihiisa ciyaareed ugu fiicnaa. Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid kula soo guulaystay koobabka UEFA Champions Leaque, UEFA Super Cup iyo Club World Cupka halka uu xulka qarankiisa Portugal la soo qaaday koobka qaramada Yurub ee Euro 2016.

Cristiano Ronaldo ayaa yiri: “Waa waxaan caadi ahayn, ma aha markii ugu horaysay, laakin markii ugu horaysay abaal marintan. Ugu horayn waxaa waajib igu ah in aan u mahad celiyo ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay ee Real Madrid iyo tababaraha Real Madrid. Waad ku mahadsan tihiin wax kasta oo aad aniga ii qabateen. Sidoo kale waxaa igu waajib ah in aanu u mahad celiyo qoyskayga, walaaladay, hooyaday iyo dhamaan shaqaalahayga oo boqolkiiba boqol wax kasta aniga ii qabtay”.

Ronaldo oo ka hadlaya sanadkii 2016 ayaa yidhi: “2016 waxa uu ahaa sanadkii ugu fiicnaa waayahayga ciyaareed, shaki badan ayaan qabay laakiin waxaan filaa in dhamaadkii ay koobabka laftoodu hadlayaan. Waxaan gaadhay wixii ugu fiicanaa ee ugu suurtogalsanaa tartanka kadib markii aan sameeyay wixii aan ku guulaystay.Guulahani waa kuwo aan caadi ahayn ee heerka shaqsi .Lama rumaysan karo, anigu waligay ma ilaawi doono sanadkan.

Si kasta Ronaldo ayaa ku soo koobay hadalkiisa inuu aad uga xum yahay in dad Barcelona ka socdaa ayaa halkan ka maqan yihiin laakiin waa mid la fahmi karo isagoo kaftamaya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close