Cristiano Ronaldo oo markii shanaad ku guuleystay abaal-marinta Goal50

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaal-marinta Goal50

Xiddiga reer Portugal ayaa markii shanaad ku guuleystay abaal-marintan ay bixiso shabakadda cayaaraha ee Goal oo loo yaqaano Goal50.

Shabakadda cayaaraha ee Goal ayaa abaal-marintan siisa sanad walba laacibka ugu fiican adduunka

Cristiano Ronaldo ayayna Goal u aqooqsatay inuu yahay xiddigii ugu fiicnaa Adduunka xilli cayaareedkii hore ee 2016-17.

Kabtanka Portugal ee Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu markale ku guulaysto abaal-marintaan, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan intii u codeysay, isagoo hanashada abaal-marintan ka hadlayeyna waxa uu yiri.

“Waxaa farxad ii ah inaan makale hanto abaal-marintaan, waxaan jeclahay inaan u mahadceliyo dhammaan intii ii codaysay, waxaana ugu horreeya asxaabteyda kooxda iyo shaqaalaha Real Madrid kuwaas oo la’aantood aysan ii suurogali lahayn inaan ku guulaysto”

“Marwalba waxaan tilaab u qaadaa sidii aan ugu jiri lahaa heer wanaagsan, mararka qaar wax walba ma noqdaan sida aan jecelnahay, laakiin tijaabada ayaa i bartay inay waajib nagu tahay inaan wadno shaqada dhabta ah si aan u gaarno hadafkeenna”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close