Cristiano Ronaldo Oo Qirtay In Cayaartiisu Hoos U Dhac ku timid ,Kana Hadlay Arrimo Badan oo Real madrid

Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa markii u horreysay waraysi xiiso badan kaga hadlay arrimo xasaasi ah, kuwaas oo si qoto dheer u taabanaya mustaqbalkiisa Real Madrid, hoos u dhaca qaab-cayaareedkiisa, waxa ka khaldan Real Madrid iyo arrimo kale.

Ronaldo oo waraysi siiyey GQ Magazine qaybta afka Talyaaniga, ayaa waxa uu ku bilaabay arrimaha qoyskiisa iyo farxadda uu haysto, waxaanu yidhi: “Shakhsiyaddayda, wakhti fiican ayey ii tahay. Waxaan u koray qoys ahaan, aadna waan ugu faraxsanahay noloshayda. Heerka xirfaddayda, waxaan soo qaatay laba sannadood oo aad u wanaagsan, kuwaas oo aan koobab kula guuleystay kooxdayda iyo xulka qarankayga. Waxa aan dareemayaa inaan heerkayga ugu sarreeya kusii jiro sannadaha soo socda.”

Cristiano Ronaldo waxa uu aaminsan yahay in sannadaha soo socda uu kasii mid ahaan doono ciyaartooyada ugu wanaagsan dunida, hase yeeshee, waxa uu ogyahay in ciyaartiisu hoos usoo dhacayso, isaga oo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi: “Noloshu way isbeddelaysaa dhinac kasta, waxaanan isku dayayaa inaan heerka ugu sarreeya joogo, jidh ahaan, sababtoo ah, muhiim ayay arrintaasi u tahay xirfaddayda. Waa inaan boqolkiiba boqol ahaado oo aan si dhab ah u qaato.”
“Si aad heerkaas ugu sii sugnaato, waxaad u baahan tahay naf-hurnimo. Waxa jira waxyaabo aan samayn samayn jirtay markii aan 20 jirka ahaa laakiin aanan maanta samayn karin. Waa se inaad hesho dheelli-tirnaan, taas oo ah sida ugu wanaagsan ee isbeddel lagu sameeyo.”
Cristiano Ronaldo oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey damaciisa iyo hammuunka aan dhamaadka lahayn ee uu u qabo guulaha, waxa uu yidhi: “Hammuuntayda, waa hammuun aad ah. Dadku waxay eryadaan riyooyinkooda, aniguna tayda ayaan eryadaa waxaanan ku dedaalayaa inaan horumar sameeyo si aan u gaadho hadafyo badan. Waxaan aaminsanahay inaan soo bandhigay xirfad la xasuusan karo intii aan ku jiray xirfaddayda, laakiin ma wada xasuusan karo mid kasta. Waxaan se diiradda aad u saarayaa wakhtigan la joogo halkii aan eegi lahaa wakhtigii tegay.”

Ronaldo ayaa toddobaadkan galay sannadkiisii 33aad ee cimrigiisa, kaas oo u curtay sannad uu culays badan saaran yahay oo ciyaartiisu hoos u dhacday, isla markaana ay Madrid meel hoose ku jirto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close