Home » Champions League » Cristiano Ronaldo Oo Taariikh Cusub Udhigay Tartanka Champions League

Cristiano Ronaldo Oo Taariikh Cusub Udhigay Tartanka Champions League

 

Kalliya Goolashii uu Xiddiga Cristiano Ronaldo uu dhaliyay Habeenkii Talaadda ma’aysan ka dhigin xiddiga ugu goolasha badan ee Tartanka Dhaga-weyne, laakiinse waxa uu sameeyay Taariikh lama iloobaan ah oo Tartanka ku qotonta.

Bandhigiisii layaabka lahaa ee lugtii hore ee Garoonka Bayer ee Allianz Arena, waxaa uwehlisay in uu dhaliyay Seddex leydiisii adib ugu waalida aheyd, kadib markii uu seddex qeybood oo jirkiisa kamid ah uu ku dhaliyay.

Luga Midig, Lugta Bidix iyo Madax, ayey kala ahaayeen goolashii seddex ahaa uu Ronaldo ugu shubay kooxda camaaliqada Horyaalka Wadanka Jarmalka ka dheesha ee Bayer Munich, waxaana loo galliyay Booga Taariikhda ee Dhaga-weyne.

Bandhigaan uu sameeyay 32-sano jirka heerka Caalmi ee Xulka Qaranka Wadanka Bortuqaal iyo Naadiga Real Madrid, ayaa waxaa horey usameeyay Xiddigaha Lionel Messi, Filippo Inzaghi iyo Alfredo Di Stefano.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*