Cristiano Ronaldo oo war lala yaaba usheegay Jariirada Marca xilli uu wareysi siinayey

Cristiano Ronaldo says he will see out his Real Madrid contract before deciding on his future

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo oo raba 2diisa sanno udanbeysay heshiiska uu kula jooga Los Blancos inuu ku qaata gegada Santiago Bernabeu kahor inta uusan goaansan tilaabadiisa xigta

Xiddigi hore ee Manchester United ayaa ah mid heshiiskisa uu ku eg yahay bisha June 2018-ka, lakin waxaa jiro warar badan oo ku aadan mustaqbalka ciyaryahankan, waana mid laga yaabo in uu joogo Bernabeu ama uu katago intaba.

Ronaldo oo udabaal dagay sanad guuradiisa 31aad isbuuci lasoo dhaafay, xilli uu lahadlay Jariirada Marca malinimadi Isniinta aheyd halkaasoo lagu gudonsiiyay abaalmarinta gooldhaliyaha ugu sareeyay La liga xagagi hore ee loo yaqaan Pichichi Trophy

“Waxan rabaa in aan halkaan sii joogo 2 sanno oo dheeri ah, waxii ka danbeya waan arki doonaa mustaqbalkayga, taasina waa heshiiska kooxda inta iiga hartay,” sidaa ayuu sheegay. “Hada waxan rabaa inaan isku dayo sidi aan ugu guuleysan lahaa koobab iyo Champions League mar kale.

“Waxan Spain joogay 7 sanno , aniga ahan waxay ila tahay La Liga-ha in uu yahay horyaalka ugu fiican dunida.

“Sido kale waxaan England kusoo qaatay 6 sanno, hubaashi horyaalkan waa mid cajiib ah, waana mid tartan adag uu kadhex jiro, waxay ii tahay wax wanagsan inaan halkaan uga tago taariikh.”

Cristiano Ronaldo has been linked with a return to Manchester United in the past

Cristiaano oo ah mid dhowanahan lala xiriirinayay dib ugu laabashada Man United.

Ronaldo oo dhaliyay 48 gool xilli ciyaredkii hore waana mid ku guuleystay Abaalmarinta Pichichi Trophy markiisi 3aad taasoo lasiiyo xiddiga ugu goolasha badan La liga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close