Daafaca Barcelona Ee Gerard Pique Dhulka Ku Jiiday Neymar Xilli Uu Ka Bixiyay Sir Badan

Daafaca Kooxda kubadda cagta Barcelona, ee Gerard Pique, ayaa wuxuu hor yimid wariyaasha ka hor kulanka ay la balansan yihiin Naadiga Real Madrid ee ka tirsan Lugta Koowaad ee Koobka Supercopa, dalka Spain, Ciyaaryahankaan ayaa waxaa wax laga weydiiyay sheekooyinka ku aadan sababta uu Neymar kaga tegay Barcelona, hadaladii uu soo dhigay Baraha bulshadda ka hor inta uusan bixin xiddigan iyo waxyaabo kale.




Wuxuu sheegay in markii uu dhahayay “Neyamr waa uu joogayaa” uu ka war qabay in laacibkaan uu ka socdo camaaliqadda dalka Spain, wuxuuna sharaxay sida uu u ogaata iyo halka uu ku sheegay “Markii aan joognay arooskii Lionel Messi, wuxuu fikrad ahaan umuuqday mid doonayay inuu ka tago Kooxdaan Barcelona,” ayuu hadalkiisa kusii daray xiddiga xulka qaranka Spain iyo Barcelona.

Asigoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Isaga wuxuu naga doortay lacag badan oo Akoonkiisa ugu dhacdo”  isagoona sheegay inay diyaar uyihiin inay la wajahaan maalinka Berito ah, Naadiga Los Blancos.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close