Home » Falanqeynta » Daafaca Barcelona Ee Piqué Oo Arin Cajiib Ah Ugu Goon Diyay Real Inay Ku Sameyn Doonaan

Daafaca Barcelona Ee Piqué Oo Arin Cajiib Ah Ugu Goon Diyay Real Inay Ku Sameyn Doonaan

Daafaca Barcelona iyo xulka qaranka kubadda cagta Spain ee Gerard Piqué, ayaa wuxuu ka hadlay kulanka ay caawa la balansa yihiin dhigooda Real Madrid, ee ka tirsan Lugta Koowaad ee Koobka Supercup-ka.

Wuxuu sheegay in Xiddigaha kooxdiisa ay udiyaarsan yihiin sidii ay uciqaabi lahaayeen Naadigaan, wuxuuna si waadix ah usheegay inay cagta marin doonaan Boqoradda Horyaalka La Liga, ee dalka Spain.




“Mar kasta oo aan wajahayno Madrid, waa maalin khaas ah, marka waxaan rajeyneynaa, inaaan dhulka la sano, iyaga,” ayuu usheegay Daafacaan Saxaafadda xilli uu hor yimid Saxaafadda ka hor kulankaan.

Kulan ciyaareedkaan ayaa wuxuu soo dhici doonaa (22:00), waxaana la filayaa inuu ka dhoco garoonka ay ku dheesho camaaliqada dalka Spain, ee Barcelona, iyadoona uu yahay mid aad uxiiso badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*