Home » Africa » Daawo: Guushii Taariikhiga ahayd ee uu Gaaray Mo Farah

Daawo: Guushii Taariikhiga ahayd ee uu Gaaray Mo Farah

Orodyahanka asalkiisu soomaaliga ah Mo Farah ayaa markii afraad oo xidhiidhka ah ku guuleystay biladda dahabka ah ee orodka 10,000 mitir oo uu noqday ninka dunida ugu dheereeya, kaddib markii uu bandhig cajiib ah kaga goostay orodyahanaddii kale ee iskugu tegay garoonka London Stadium, Orodyahanka ayaa wareeggii ugu dambeeyey lasoo baxay wacdaro sidii uu caanka ku ahaa, waxaana uu orod kaga goostay orodyahannadii kusoo dhowaa iyadoo ay 800 mitir uga dhiman yihiin dhamaadka.




Mo farah 10,000 mitir ayuu ku orday 26 daqiiqo iyo 49 seken, taas oo uu ku noqday bandhig orodkiisii ugu wanaagsanaa tan iyo sannadkii 2011 oo uu guulaha xidhiidhka ah bilaabay.

Joshua Cheptegei oo u dhashay dalka Uganda ayaa kaalinta labaad galay, waxaanu ku orday 26:49.94 , kaalinta saddexaadna orodyahanka dalka Kenya ee Paul Tanui oo orday 26:50.60.

Guushan uu Mo Farah gaadhay ayaa ah markiisii lixaad ee uu biladda dahabka ah ku guuleysto, iyadoo orodka tobanka kun ee mitir uu shan sannadood ka hor ku guuleystay sannadkii 2012 oo London lagu qabtay,Xawaaraha uu jarayay iyadoo ay da’diisu sii weynaatay ayaa amakaag ku ridday dadkii garoonka joogay, hase ahaatee, waxa la sugi doonaa Arbacada oo uu 5,000 mitir u tartami doono.

Biladda 10,000 mitir ayuu hore ugu guuleystay sannadihii 2012, 2013, 2015, 2016 iyo hadda oo ah 2017, waxaanu sidaas ku galay taariikhda dunida maadaama uu xidhay rikoodh isaga u gaar ah oo aanu hore ciyaartoy kale u gaadhin.

Daawo :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*