Sawirro: Koobka Caasimaddaha Bariga Afrika, Muqdisho City Oo Guul Ka Gaartay Mombasa City

Magaalladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxa ay sanadkaan ka qeybgaleysaa Koobka Caasimaddaha Bariga Afrika, kaas oo ay Marti gillineyso Caasimadda wadanka Kenya ee Nairobi.

Koobkaan ayaa waxa uu yahay mid aad uxiiso badan, waxaana Xiddigaha kaga qeybgala Muqdisho, laga kala soo xulay Kooxaha heerka koowaad ee Horyaaladda Basket Ball, waxaana jira xiddigo kale oo dibadda laga keenay.

Kulanka oo ahaa mid aad loogu riyaaqay ciyaartii ay soo bandhigeen labada dhinac ayaa waxaa Xiddigii matalayay Caasimadda Muqdisho ay kusoo daareen dhigooda Mombasa oo ay xalay la dheeleen 82-64.

Xiddigaha Muqdisho ayaa waxa ay kulanka dambe oo caawa dhici doona ay la dheeli doonaa Xiddigaha matala Jubba City oo ah Caasimadda Suudaanta Koonfureed, waxaana hadii ay guuleystaan Muqdisho, tagi doonaan afar dhamaadka koobkaan.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close