Home » England » DAAWO Muxuu ku dhamaaday kulankii Manchester United iyo Anderlecht

DAAWO Muxuu ku dhamaaday kulankii Manchester United iyo Anderlecht

LAACIB.SO : Kulankii adkaa ee u dhexeeyey labada kooxood ee ka kala socday Ingiriiska iyo Belgimka gaar ahaan Magaalada Brussels ayaa ku wada ciyaaray kulan aad u adkaa inkastoo Kooxda Manchester United ay guul ay ku rafaaday ka gaartay kooxda Anderlecht kulan ka tirsanaa lugtii 2-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka Europe League-ga ee sanadkaan heerka gabagabada ah maraya.

Bandhigii Kooxda Manchester United ayaa u suurta gashay in Goolal ay dhaliyeen Henrikh Mkhitaryan iyo Marcus Rashford ay Manchester United ka caawiyay in ay goosato tigidhkeeda wareega 4 dhamaadka Tartanka Europe League-ga.

DAAWO MUUQAALKA GOOS GOOSKA AH

Naadiga Manchester United ayaa Guushan qaaliga ah ay boorka ka jaftay rikoor ay ka gaartay oo ay ugu dambaysay bishi October 2011 taas oo ah in aan laga badin 26 kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan 17 kulan badisay halka ay 9 kulan oo kalena bar-baro gashay kooxda Manchester United.

Dhanka Taariikhda hadii aan fiirino waxaa xusid mudan in Ay Manchester United 2-1 kaga adkaatay kooxda Anderlecht marka laysku geeyo 3-2 ku reebtay kooxda Anderlecht ee Brussels ka socotay.

SAWIRADA AAN KA SOO XULNAY KULANKA

Manchester United iyo Anderlecht Manchester United iyo Anderlecht Manchester United iyo Anderlecht Manchester United iyo Anderlecht Manchester United iyo Anderlecht

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*