DAAWO: Muxuu kusoo idlaaday kulankii Degmooyinka Kaxda iyo Xamar Jajab sidoo kale Kaaraan iyo C/casiis

Ciyaarihii Tartamada Kubadda Cagta degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa weli si habsami ah uga sii soconaya Garoonka cowska macmalka leh ee Banadir Stadium Ex(Koonis) waxaana maanta wada ciyaaray qeybtii hore Degmada Garoonkeeda lagu ciyaarayay ee C/casiis iyo Degmada Deriska la ah ee Kaaraan ciyaartaasoo aad u xiiso badneyd dadweyne ka socday labada degmana ay ka soo qeyb galeen waxey ku soo idlaatay 2-1 ay guushu ku raacday Kooxdii ka socotay Degmada C/casiis waxaana xusid mudan goolka koowaad ee degmada C/casiis waxey ahayd gool kulaad ay heleen waxaana goolkaasi u dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo C/fataax Isxaaq Cali waxaana xusid mudan gudoomiyaha degmada C/casiis oo ku sugnaa garoonka qeybtii hore ee ciyaarta degmada C/casiis ayaa 1-1 ay ku dhamaatay qeybtii hore ee ciyaarta.




Kadib qeybtii labaad ee Degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis waxey isku dayeen in ay isbadal badan sameeyaan waxey degmada C/casiis la yimaadeen goolkii badiska ahaa waxaana goolka uu ahaa gool dirqi kaga dhashay waxaana goolkaasi dhameystiray Maslax Cabdi sidaasina waxaa 2-1 Guushu ku raacday Degmada Kaaraan.

Ciyaartii dambe ee la ciyaaray galabta waxaa wada ciyaaray degmooyinka kala ah Kaxda iyo Xamar Jajab waxeyna ku soo idlaatay barbar dhac 1-1 waxaana degmada Kaxda ay soo bandhigeen taageerayaashooda iyagoo soo qaatay gurbaan ay garoonka dhagaha kaga jibiyeen.

DAAWO SAWIRADA

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close