Daawo qaabkii xalay loo gudoonsiiyay C. Ronaldo abaalmarinta BALLON D’OR 2016/2017

Cristiano Ronaldo ayaa lagu doonsiiyey abaal Marinta Sanad laha ah ee  Ballon d’Or kadib markii uu helay inta badan codbixintii  ay dhiibteen 173 wariye  oo dalalka yurub ka hawgala isla Markaana ka shaqeeya Cayaaraha.

France Footbal oo bixisey abaal marintaan ayaa soo bandhigtay Muuqaal ay mar  hore ka duubeen Cristiano Ronaldo kaas oo ay ku Gudoonsiiyeen Xarunta Real Madrid mar sii Horeysey.

Cristiano Ronaldo oo hada ku sugan dalka Japan ayaa ka soo muuqday Video lagu Gudoonsiiyey Ballon d’Or isaga oo u mahadceliyey dhamaan Taageerayaashiisa qoyskiisa iyo Kooxdiisa waxaana Muuqaalkaan ka muuqanyey Saxfiyiintii Gudoonsiisey Wiilkiisa iyo Hooyadiis.

Saddexda ciyaaryahan ee iskugu soo hartay waxay u kala heleen codadka sidan hoos ku cad

 

Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 745 cod

2. Lionel Messi (FC Barcelona) 316 cod

3. Antoine Griezmann (Atlético Madrid) 198 cod

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close