Daawo: Real Madrid Oo Guul Ku Furatay Tartanka Champions League Xilli CR7 Oo Wacdaro Dhigay

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Horyaalka La Liga ayaa waxay guul ku fuaray Tartanka Champpions League, kadib markii ay caawa dhagaha kusoo dhufatay Naadiga Apoela Nocosia, oo ay ku marti qaaday garoonkeeda ku yaala caasimada dalka Spain.

Ciyaarhanada Madrid, ayaa waxay lasoo galeen garoonka Firfircooni, iyagoona muujiyay inay diyaar uyihiin inay guul qaataan caawa, waxaana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad loo wada jecleystay, islamarkaana soo jiitay taageerayaasha.

Xiddiga koowaad ee Boqorada Yurub ee Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu furay bandhiga ciyaarta, isagoona ansixiyay goolkii ugu horeeyay kulankaas, kaasoo ahaa mid aad looga soo shaqeeyay, wuxuuna muujiyay inuu diyaar uyahay inuu caawiyo Los Blancos.

Qeybta koowaad ee ciyaarta ayaana sidaas kusoo dhamaatay, iyadoona markii dib leyskugu soo laabtayna ay halkoodii kasii wadeen, bandhigoodii iyadoona uu gool labaad oo Laad xur ahaa uu dhaliyay CR7, waxaana gool sedexaad dhaliyay Kabtan Sergio Ramos, oo soo gaba gabeeyay bandhiga.

Ugu dambeyntii, ciyaarta ayaa waxay kusoo dhamaatay 3-0, oo ay guusha ku garaacday Cad Cadka, waxaana tani ay jawaab u tahay Barcelona, oo xalay iyadana goolashaas oo kale ku badisay, waxaana haatan ay wada yihiin kuwa wada siman marka Champions League la jooogo.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close