DAAWO Sawirada Tartanka Orodada Mo Farah oo u soo gudbay Finalka orodka 5,000m

Tartanka Cayaarta kama damabaysta ah ee Orodka London ka dhacayey beryihii la soo dhaafay ayaa lasoo gababageeyey Waxaana soo gudbey Mohamed Farah oo England u ordayey balse asalkiisa Soomaali ah waxaana Mo Farah Orodkaan uu galay Kaalinta labaad isaga oo ka daba maray Orodyahan Itoobiyaan ah oo lagu Magacaabo Yomif Kejelcha kaas oo ahaa Cayaaryahankii ugu horeeyey ee galay Kaalinta koowaad waxaana Finalka u soo baxay shantii Cayaaryahan ee kaalimaha hore galay kaliya.




Sidoo kale Qaybta uu kujirey Mo Farah waxaa kula jirey 2 Cayaaryahan oo soomaali ah kuwaas oo kala matalayey dalkeen iyo dalka belgium-ka Waxaana Cayaaryaahnkii ,matalayey Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobey Maxamed uu galay Kaaalimaha ugu danbeeyey orodyahankii Soomaaliyeed ee dalka belgium-ka mataleyey uu u soo gudbay Cayaarta kama dambeys ka ah, Finalka 5,000m ee orodka World Championships ayaa lataratami doonaa Maalinka Sabtiga ah ee soo socda waxaana Mo Farah markale hor taala Fursad qaali ah maadaama uu dhawaan ku Guuleystey orodka 10,000 meters ee isla Cayaarahaan la xiriira.

DAAWO SAWIRADA

Mo Farah Mo Farah Mo Farah Mo Farah Mo Farah

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close