DAAWO sida loo diyaariyay Garoonka Banadir Stadium oo xilli habeen ah lagu ciyaari doono

Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo heer Final ama Gabo gabo maraya ayaa waxaa garoonka Banadir Stadium loo qurxiyay sida Garoomada Caalamka oo kale ah waxaana lagu xardhay nalal aad u iftiimaya waxaana idin soo bandhigeeynaa sawirradii habeenkii xalay ahayd laga qaaday garoonka Banadir Stadium oo illaa iyo maanta howl dhanka qurxinta ah ku socota.

Garoonka Banadir Stadium oo loo diyaarinayo in markii ugu horeysay 30 sano lagu ciyaaro laguna caweeyo Xilli Habeen ah,Sida la sheegay habeen danbe ayaa noqon doonta taariikh iyo waa cusub oo u baryey reer Muqdisho gaar ahaan iyo Wadankeena Soomaaliya, habeenkaan taariikhiga ah oo ay nasiib u yeesheen degmooyinka Hodan iyo Waaberi ayaa wada ciyaari doona ciyaar kama dambeysta ah koobka Dagmooyinka Gobolka Banaadir.

DAAWO: SAWIRADA

 

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close